RABBAT, Morocco (Kaab TV) – Morrocco ayaa martigaleynaysa Tartanka Qaarada Afrika 2025 (AFCON), kaas oo bilaaban doona 21 Diseembar 2025 ilaa 18 Janaayo 2026. Tartankani wuxuu ka dhici doonaa lix magaalo oo taariikhi ah, isagoo isku daraya xiisaha kubadda cagta, dhaqanka, iyo quruxda dhulka.
AFCON 2025 waxay noqon doontaa tartanka ugu weyn ee kubadda cagta Afrika, iyadoo 24 dal oo Afrikaan ah ay ku tartamayaan. Waa tartankii 35-aad ee qaaradda Afrika, sidoo kalena waa kii labaad ee Marokko ay martigaliso tan iyo 1988. Tartanka wuxuu ka dhici doonaa magaalooyinka sida Rabat, Marrakech, Fez, Casablanca, Tangier, iyo Agadir, kuwaas oo leh taariikh dheer iyo dhismayaal casri ah.
Ciyaarta furitaanka ayaa xulka qaranka Moroco waxay wajihi doonaan xulka qaranka Comoros, halka maalinka ku xiga ay wada dheeli doonaan xulka Mali iyo Zambia.

Aniga oo ah wariye ka shaqeynayay ciyaaraha Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaan ka qeybgalay xafladda abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Afrika, taas oo lagu qabtay magaalada Rabat 15 Novermber 2025. Dadka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay sanadkan si toos ah u daawaday dhacdadan, waxaana kumanaan ka falceliyeen barta Facebook ee Astaan Sports.
Aragtidayda AFCON 2025 – oo ah koobkii 35aad ee Afrika – wax badan ayuu kaga duwan yihiin tartamadii ka horreeyay. Waxaa sannadkan la horumariyay adeegyada ay heli karaan taageerayaasha u soo safraya Moroco si ay u daawadaan ciyaaraha. Morocco waxay diyaarisay 723 basas cusub si ay ugu fududeyso martida iyo ciyaartoyda. Waxaa sidoo kale diyaar ah hoteelo raaxo leh iyo deegaanno lagu nasto.
Morroco waxay sidoo kale martigalisay ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka 2026, taas oo fursado cusub u abuurtay dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalkaas, iyadoo Morroco ay ka ay taageertay garoomo iyo deegaan.
Dhaqanka iyo Muusigga
Tartanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhaqamada gaarka ah ee Morocco iyo Afrika. Muusig iyo ciyaaro dhaqameed ayaa lagu qaban doonaa, iyadoo heesta rasmiga ah ee “Maghribi Maghribi” lagu furayo tartanka maalinta Axadda.

Morocco waxay iskaashi la leedahay 54 dal oo Afrika ah, waxaana dalalkaasi ka mid ah Soomaaliya, si loo xoojiyo horumarinta kubadda cagta. Omar Khyari, la-taliyaha madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Morocco, ayaa muujiyay in iskaashigan uu Soomaaliya siinayo fursado tababar iyo kaabayaasha isboorti.
“Waxaan dhisnay iskaashi xiriireed ee 54 dal ee Afrika. Soomaaliya iyo Morocco gaar ahaan waxay leeyihiin iskaashi gaar ah, waxayna Morocco ka caawineysaa Soomaaliya inay dalka Morocco ugu ciyaarto guri ahaan tartamada ay Soomaaliya ka qeybgaleyso, taasoo sare u qaadeysa doorka xulka qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha AFCON 2025,” ayuu yiri Omar Khyari.
Iskaashigaas wuxuu saamayn weyn ku yeelanayaa dhismaha garoomo iyo kaabayaasha isboorti ee Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa inay ka qeyb gasho heerar sare. Tani waxay sidoo kale soo saari doontaa ciyaartoy tayo sare leh, ka dhigi doonta Soomaaliya inay si tartiib ah u horumariso kubadda cagta dalka.

