Hargeysa (Kaab TV) – Somaliland ayaa markale ka hadashay xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool oo si adagna udiiday midnimada ey raadinayaan reer sool.
Afhayeenka xisbiga tallada haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay ayaa shaaca ka qaaday in eysan laheyn dadka reer Laascaanood dooq eyna yihiin dad katirsan Soomaaliland.
Shacbiga reer Laascaanood malaha dooq waxay rabitaan qaateen 1991-kii maantana waakaa udabaal dageyno 32guuradii ayuu yiri Afhayeenka xisbiga tallada haya ee Kulmiya Cabdinaasir Buuni.
Afhayeenka oo wareysi siiyay Warbaahinta gudaha Soomaaliland waxa uu sidoo kale si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Xilhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka gooni-goosad ee Somaliland.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur haddii aduu markii aad wasiirka aheyd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedahay, Shacbiga Somaliland dooq ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh.
Hasayeeshee Somaliland ayaa si weyn u dhibsatay qoraal uu dhawaan bartiisa Facebook ku baahiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaasi oo uu ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaadda ka taagan Laascaanood, wuxuuna sheegay in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka Somaliland, sida aan iyada loogu qasbin midnimada.