Muqdisho (KAAB TV) -Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uusan hadda kadib shaacin doonin faahfaahinta ku saabsan khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyadoo maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu wali dejinayo siyaasaddiisa ku aaddan howlgalka militari ee gobolka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedyo hore oo AFRICOM ay soo saartay, Mareykanka ayaa qaaday ugu yaraan 24 duqeyn tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay. Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS ee Puntland iyo ururka al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya ee taageerada ka hesha Mareykanka.
Illaa dhawaan, AFRICOM waxay si joogto ah u shaacin jirtay qiyaasaha khasaaraha weeraradaas, sida lagu xusay war-saxaafadeedkii 12-ka Abriil oo lagu sheegay in hal xubnood oo ISIS ah lagu dilay duqeyn.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedyadii dambe ee AFRICOM ayaa laga reebay faahfaahinta la xiriirta khasaaraha iyo waxyeellada shacabka. Taliska ayaa ku sababeeyay in “faahfaahinta gaarka ah ee cutubyada iyo agabka aan la shaacin doonin si loo ilaaliyo amniga howlgalka.”
Afhayeenka AFRICOM, Lt. Col. Doug Halleaux, ayaa u sheegay mareegta Antiwar.com in.
“Maaddaama maamulka cusub uu weli dejinayo hannaankiisa, waxaan si ku-meel-gaar ah uga baaqsanaynaa in aan faafinno qiyaasaha khasaaraha iyo suurtagalnimada waxyeellada shacabka.”
Halleaux wuxuu sidoo kale sheegay in AFRICOM ay sii wadi doonto daabacaadda warbixinaha saddexdii biloodba mar ee la xiriira khasaaraha shacabka, isagoo xusay.
“Taliska wuxuu qiimeeyay in aanay jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed duqeymihii u dambeeyay – haddii arrintaasi is beddesho, waxay ka muuqan doontaa warbixinta xigta ee saddexdii biloodba mar la soo saaro,’ ayuu yiri Col. Doug Halleaux.
Go’aankan AFRICOM ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sidoo kale hoos u dhigay daahfurnaanta la xiriirta weerarada uu ka fuliyo Yemen. Taliska CENTCOM, oo ka mas’uul ah gobolkaas, ayaa muddo ku dhow hal bil iyo bar wax xog ah ka bixin waayay khasaaraha shacabka ee weeraradaas.
Sida uu sheegay Yemen Data Project, duqeymihii Mareykanka ee Yemen muddadii u dhaxaysay Maarso 15 ilaa Abriil 31 ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 oo qof oo shacab ah.