Asmara (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo wafdigii uu horkacayey ayaa soo gebagebeeyey safar labo cisho qaatay oo ay ku tageen magaalada asmara ee dalka Eritrea.
Sidoo kale, madaxweyne Afwerki iyo Dhigiisa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ballaaran xalay fiidkii ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Asmara kuwaasoo ku saabsanaa sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah
Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, labada hoggaamiye ayaa waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah ee kor u qaadaya ka miro dhalinta hadafka la rabo
Dhanka kale, Eritrea ayaa Xassan Shiikh diiday in Heshiiskii Xassan Shiikh ku gaareen Ankara kaasoo dhigayey in Itoobiya marin biyood ganacsi la siiyo iyadoo ixtirimaameysa madax banaanida Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Eritrea Madaxweyne Isaias ayaa ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda ajandayaasha hurinta colaadaha iyo qalalaasaha gobolka. Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah
“Madaxweyne Isaias ayaa ku celceliyay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, Soomaaliya iyo Masar ku dhexmaray Asmara, uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee jira iyo kuwa taariikhiga ah dammaanad qaadka nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo in ka badan, horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay .Eritrea
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u warramayay Warbaahinta Eritrea, ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qayb qaadashada dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha madaxbannaan ee xiriirka la leh, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika.