Mahadaay (KAAB TV) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Hirshabeelle ayaa maalintii 2aad degmada Mahadaay kawada kulamo wadatashi ah oo lala yeelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Mahadaay.
Sidoo kale, Kulamadan ayaa aad looga hadlayaa sidii ay bulshadu u qeybsan laheyd Kuraasta Golaha Deegaanka Degmada iyo sida bulshadu uga fogaan laheyd wax kasta oo bulshada ku keeni kara dib udhac.
Dhanka kale, kulan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda iyo dowladda hoose ee Hirshabeelle, ayaa ugu horeyn waxaa madasha kulanka khudbad kajeediyay agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladda hoose ee Hirshabeelle, isagoona bulshadda ku bogaadiyay bulshada in ay qeyb ka qaataan ammniga iyo horumarka degmada Mahadaay.