SO | EN

SO | EN

Agaasimaha Hay’adda NISA Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka oo shirar ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay magaalada Beledweyne

|

Baledweyne (KAAB TV)- Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa Magaalada Baledweyne kula kulmay Odayaasha Dhaqanka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Agaasimaha oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaal kale ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne ka hor caleema saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle oo 13-ka bishan loo qorsheeyay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Sanbaloolshe ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dowladda iyo bulshada si meesha looga saaro khatarta argagixisada ee gobolka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha Dhaqanka, iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka dhabeynta ballan-qaadkii dowladda ee ahaa in dalka oo dhan laga ciribtirayo argagixisada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News