SO | EN

SO | EN

Agaasimaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Beledweyne

|

Beledweyne (KAAB TV) – Waxaa saakay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray taliyaha hay’adda nabbad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliye Sanbaloolshe, ayaa kulamo xal loogu helayo askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe saakay ka wada magaalada Beledweyne, waxa uuna kulamo la leeyahay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo odayaal ka socday beesha Abgaal oo Beledweyne gaaray.

Dhanka kale, wadahadalka Beledweyne ka soconay, ayaa salka ku haya sidii marka hore loo aasi lahaa meydadka askartii lagu laayay deegaanka Ceelbafar oo muddo isbuuc ku dhaw ku jira filinjeer, iyo sidii xal looga gaari lahaa kiiskaasi carada badan abuuray.

Taliye Sanbaloolshe, ayaa dadaal badan ugu jira sidii odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ugu qancin lahaa in la aaso meydadka askarta la dilay, sidoo kale dowladda uga dambeeyaan wiilasha la dilay maadaama ay ahayaeen askar dowladeed.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa xal u raadineysa askarta lagu laayay deegaanka Ceelbaraf oo wali lasoo qaban ragii dilkaasi fuliyay, waxa ayna dowladda Beledweyne u dirtay wafdi isugu jira wasiirka Batroolka, taliyaha NISA iyo xildhibaanno, si kiiskan taagan xal loogu helo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News