SO | EN

SO | EN

Agaasime Muxyadiin Jurus oo baxsaday markii uu ogaaday in la xiri rabo

|

Aadan Yabaal (Kaab TV) – Wararka laga helayo gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu Tuulada Guulane oo hoos tagta degmada Aaden-yabaal uu gaaray Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus.

Wararka ayaa sheegaya Agaasime Muxyadiin Jurus in uu ka baxsaday xalay xilli danbe, kadib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu xiri rabo.

Muxyadiin Jurrus ayaa la sheegay inuu Tuulada Guulane oo uu kasoo jeedo ka abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Agaasimahan uu gaaray degaanka uu kasoo jeedo, waana m,as’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda Federaalka.

Xariga Agaasimahan sare ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka mid ah olole baaritaan oo ay waday Xeer ilaalinta dowladda oo ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira Hay’adaha dowladda oo ilaa hadda xiray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime Muxyadiin Jurus  ayaa ilaa hada wax faahfaahin ah aan kabixin wararkan ku aadan in uu ka baxsaday tuuladda Guulane

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News