Muqdisho (Kaab TV) – Warar sheegaya inuu dalka ka baxsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali Cabdul, kaas oo kamid noqday madax lagu soo eedeyay kiis musuq-maasuq ah.
Cabdul ayaa waxaa haatan baaris ku hayay hay’adaha amniga dowladda, kadib markii ay Xeer Ilaalinyta Qaranka usoo jeedisay eed ku aadan xatooyo xoolo dadweyne.
Kahor inta aan la soo qaban, isla-markaana loo geyn waarankii lagu soo xiri lahaa ayaa la sheegay inuu dalka isaga cararay agaasimaha.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Agaasime Cabdulqaadir Cilmi Cali Cabdul uu Talaadadii shalay ka dhoofay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, mana cadda halka uu u dhoofay ama dalka uu haatan u baxsaday.
Qorshaha uu dalka kaga baxay ninkan ay u fududeeyeen rag qaraabadiisa ah oo ka shaqeeya garoonka, taas oo keentay inuu ka baxsado laamaha amniga, maadaama ay baadi goobayeen, si ay gacanta ugu soo dhigaan, loona soo xiro.
Baxsashada Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda ayaa soo baxday xalay, ayada oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay, maadaama uu ninkan ka mid yahay agaasimeyaasha saameynta leh ee ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.
Waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga baxsaday Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus Muxiyadiin Saabey, kaas oo gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.