JOWHAR (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku dishey xalay xaafadda Hantiwadaag Dr. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqiinay Dr. Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladd goboleedka Hirshabelle.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in kooxdii weerarka dilka fulisay ay goobta iskaga baxsadeen iyadoona laamaha amaanka ay durba bilaabeen baadi goobka gacan ku dhiiglayaasha.
Lama oga cidda ka dambeysay dilka Dr. Gaalib oo ahaa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah isla markaana ka soo shaqeeyay xarumo kala gedisan oo dhinaca caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, Cali Ciiley, ayaa tacsi u direy Qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka.
War qoraal uu wasiirka kasoo saaray dhimashada agaasimaha ayaa waxa uu uga tacsiyadeeyay Dhamaan Shaqaalaha Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Hirshabelle, geerida ku timid agaasimaha isagoona faray laamaha amaanka inay si dhaqso leh cadalada ku horkeenan kuwii dilka ka dambeeyay.
Maalmihii lasoo dhaafay agaasimaha ayaa arrimo baraarujin iyo wacyigelino waxa uu kasameenayay qaar kamid ah iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaala Degmada Jowhar si Bulshada u noqdaan kuwa hormarka ka shaqeeya cadowgana iska qabta.