PARIS (Kaab TV) – Shirkadda diyaaradaha ee Faransiiska, Air France, ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duulimaadyadii dul marayay Badda Cas, kadib markii hawlwadeennada mid kamid ah diyaaradaha ay soo sheegeen inay arkeen “shay iftiimaya oo ku jira cirka” iyagoo dul maraya meel u dhow dalka Suudaan.
Dhacdadan ayaa la xiriirta Diyaaradda Air France Flight 934, oo ahayd Boeing 777-200ER oo u socotay waddanka Madagascar kana soo duushay Paris, taas oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah maanta oo Axad ah sababo la xiriira “cilad farsamo.”
Diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Charles de Gaulle saacadda markay ahayd 10:44 subaxnimo, waxaana loo weeciyay Paris iyadoo ku soo noqotay kadib toddobo saacadood.
Siteny Randrianasoloniaiko, oo ah siyaasi reer Madagascar ah oo saarnaa diyaaradda, ayaa xaqiijiyay dhacdada isaga oo bartiisa bulshada soo dhigay.
Wuxuu yiri, “Warka ku saabsan diyaaradda Air France waa sax sababtoo ah waxaan saaranahay diyaaradda. Gantaal ayaa ku dul maray diyaaradda naga horreysay, laakiin lama ridin—waana sababta aan ugu soo noqonay France. Waxaa maanta hawada Suudaan ka dhacay gantaal.”
Air France oo bayaan ku soo saartay barta X (Twitter), ayaa sheegtay: “Tallaabo taxaddar ah awgeed, Air France waxay go’aansatay inay hakiso duulimaadyadii dul marayay aagga Badda Cas ilaa ogeysiis dambe. Sidaas darteed, waddooyinka qaar ka mid ah duulimaadyadeeda ayaa wax laga beddelay. Iyada oo ku xiran meesha ay joogaan, qaar ka mid ah diyaaradaha ayaa laga yaabaa inay dib ugu soo laabtaan halka ay ka soo duuleen, sida Flight AF934 oo ka yimid Paris kuna sii jeeday Antananarivo.”
Shirkadda ayaa xustay, “Badbaadada macaamiisheeda iyo hawlwadeennadeeda waa mudnaanta ugu sarreysa.” Air France waxay sidoo kale tilmaantay inay si joogto ah ula socoto xaaladda siyaasadda ee gobollada ay adeegyadeeda iyo duulimaadyadeedu dul maraan si ay u hubiso heerka ugu sarreeya ee badbaadada iyo amniga duulimaadyada.