SO | EN

SO | EN

Ajaaniib lagu dilay weerarkii Dharjaale ee Puntland

|

Bosaaso (KAAB TV) – Dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib, ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah waxa ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka difaaca Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in khasaaro soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa saldhigga la weeraray.

Dhanka kale, War kasoo baxay ciidamada hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, ayaa lagu sheegay in saakay fashiliyeen weerar kooxda Daacish kusoo qaadeen,  waxa ayna sheegeen in ciidamada dileen dhammaan xubnihii kooxda Daacidh ee weerarka soo qaaday.

”Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka howlgalka ee Puntland .

Puntland, ayaa sheegtay in kooxda weerarka soo qaaday ay isugu jireen ajaaniib iyo Soomaali , waxa ayna xuseen dadka ajaaniibta ah ee la dilay ku jiraan kuwa Carbeed iyo xabashi, waxa ayna xuseen ciidamada in ay u ruqaansadeen goobihii ay weerarka saakay kasoo qaadeen kooxda Dacaish.

Weerarkan saakay lagu qaaday ciidamada difaaca Puntland , ayaa imaanaya xilli ciidamada maamulkaasi gobolka Bari ka wadaan abaabulkii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka hubeysan ee katirsan Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News