Al-Shabaab iyo Hormuud Telecom oo isgaarsiinta u fasaxay qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose

|

Kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa oggolaatay in dib loo furo xarumaha isgaarsiinta ee shirkadda Hormuud ee ku yaalla deegaanno ay horey uga jareen isgaarsiinta, kaddib muddo ku dhow shan sano oo adeegyada telefoonka iyo internet-ka ay ka maqnaayeen.

Xarumaha isgaarsiinta ee Yaaqbariweyne, Leego, Goobaanle, Baladul-Amiin iyo Ceeldheere ayaa hadda dib loo hawlgeliyay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay mar kale heli karaan adeegyada internet-ka, wicitaanka iyo lacagaha mobile-ka ee shirkadda Hormuud.

Dadka deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in shirkaddu dib u furtay khadadka internet-ka iyo adeegga EVC, kaas oo muhiim u ah nolol maalmeedka dadka, maadaama lacagta elektaroonigga ah ay noqotay habka ugu weyn ee wax lagu kala iibsado Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada aan si buuxda uga shaqayn shilinka Soomaaliga.

Mid ka mid ah dadka ku sugan degmada Leego ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo dheer ay hadda awoodaan inay EVC wax ku iibsadaan, gaar ahaan suuqyada xoolaha iyo raashinka oo ay ku tiirsan yihiin bulshada xoolaleyda ah.

Adeegyada isgaarsiinta ayaa laga joojiyay deegaannadan bishii Febraayo 2021, kaddib markii Al-Shabaab ay amar ku bixisay in la hakiyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta ee deegaankan ka hawlgalayay.

Taasi waxay ka dhigan tahay in bulshada ku nool deegaannadan ay ku jireen go’doon isgaarsiineed iyo mid dhaqaale muddo ku dhow shan sano.

Degmada Yaaq Bariweyne, gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Yaaq Bariweyne, gobolka Shabeellaha Hoose. | Sawirka/ Kaab TV.

Intii uu socday xayiraaddaas, deegaannada Yaaqbariweyne, Leego iyo Goobaanle ayaa sidoo kale wajahday dhibaatooyin kale, oo ay ku jiraan gubidda hanti iyo tuulooyin ay dad shacab ah ku noolaayeen, iyo dhac loo geystay xoolaha nool sida ariga iyo geela, kaddib markii qaar ka mid ah dadka deegaanka ay taageereen maleeshiyaadka Macawiisleyda ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab.

DHEERAAD:  Suxufi Wael Dahdouh oo ku adkaystay in uu sii wadi doonno u adeegista Dadka Gaza.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraro qaraxyo ku qaaday deegaanadan si ay cadaadis u saaraan dadka deegaanka oo ka hor yimid.

Sanadkii 2021, siyaasigii ugu horreeyay ee si cad uga hadlay arrintan wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo cambaareeyay tallaabada Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ay kooxda ka geysatay deegaannada Yaaqbariweyne, Leego iyo Goobaanle.

Sidoo kale, sanadkan 2026, isticmaalka shilinka Soomaaliga ayaa gebi ahaanba hakad galay deegaannadan, taas oo sii kordhisay culayska dhaqaale ee shacabka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladdan, oo ay weheliso xannibaadda adeegyada isgaarsiinta iyo lacagaha mobile-ka, ay sababtay dhibaatooyin nololeed oo aad u daran, oo ay ku jiraan dhimashooyin la xiriiray gaajo.

Dib u furista adeegyada isgaarsiinta ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-Shabaab ay wajahaysay cabashooyin sii kordhaya oo ka imaanayay dadka ku nool deegaannada ay maamusho, gaar ahaan sababo la xiriira culayska dhaqaale iyo xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay abaarta iyo cunto yarida ka jirta Soomaaliya.

Inkasta oo Al-Shabaab ay oggolaatay dib u howlgelinta adeegyada, shirkadda Hormuud weli kama aysan hadlin heshiiska ama wada-hadallada ay la yeelatay kooxda si dib loogu furo xarumahaas.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraro qaraxyo ku qaaday deegaanadan si ay cadaadis u saaraan dadka deegaanka oo ka hor yimid.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale weeraro qaraxyo ku qaaday deegaanadan si ay cadaadis u saaraan dadka deegaanka oo ka hor yimid.

Shirkadda, oo ah tan ugu weyn dhinaca isgaarsiinta Soomaaliya, sidoo kale inta badan kama hadasho xaaladaha adeegyada laga hakiyo deegaannada ay maamusho Al-Shabaab.

Dhanka kale, hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin isbeddellada ka dhacay deegaannadan, kuwaas oo saameyn ku leh dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Arrintan ayaa mar kale muujinaysa saameynta weyn ee ay leedahay maqnaanshaha dowladnimada iyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaannada ay kooxaha hubeysan maamulaan, halka shirkadaha gaarka loo leeyahay ay mararka qaar noqdaan kuwa si toos ah ugu lug leh helitaanka ama maqnaanshaha adeegyada muhiimka ah ee shacabka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News