SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo 10 ruux ku fulisay toogasho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fulisay toogashadii ugu badneyd ee ay dhowaanahaan ku fuliyaan dad ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeyneysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado shisheeye.

Toogashadan oo dhacday Jimcihii lasoo dhaafay [20 Febraayo], waxay kooxda Al-Shabaab la beegsadeen 10 ruux oo rag ah oo ay sheegeen inay maxkamadoodu ku xukuntay dil toogasho ah.

Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayay ku toogteen 5 ruux oo dhammaantood ay goob fagaare ku wada toogteen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda Shabaab iyo xubno ka tirsan maleeshiyaadkooda ayaa fagaaraha ku sugnaa, iyadoo dadweynaha degaankana loogu yeeray inay u soo daawaho tagaan falka toogashada oo Al-Shabaab ay u adeegsato inay ku cabsi galiyaan dadweynaha deegaanada ay xukumaan.

Dhacdada labaad waxay Al-Shabaab falka toogashada ah ku fuliyaan shan ruux oo kale oo rag ah deegaanada Kunyo-Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose isla maalinkii Jimcihii.

Buaale, Somalia. | Google Maps.
Buaale, Somalia. | Google Maps.

Dadweynaha Kunyo-Barrow oo ah magaalo yar oo beeralay ah ayaa iyaguna loogu yeeray inay daawadaan falka toogashada ah.

Kooxda waxay sheegtay maxkamadoodu ay ku heshey falka basaasnimada ee ay ku eedeeyeen dadka ay toogteen oo dhammaantood ah Soomaali.

Al-Shabaab ayaa marar badan dad ay toogteen ku eedeeysay inay ka shaqeynayeen hagidda diyaaradaha drones ee duqeymaha u geysta dhulka ay kooxda ka taliso, kuwaasi oo lagu beegsaday hoggaamiyaal kooxda ka tirsanaa.

Ilo wareedyo la hadlay Kaab TV ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dadka safarka kala dagaan gawaarida rakaabka, gaar ahaan dadka ay uga shakiyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda ama ay eheladooda ka tirsan yihiin ciidamada.

Maxkamadaha Al-Shabaab ma jirto dacwad si furan loo dhageysto, mana jiraan qareenno madax bannaan oo eedeysanayaasha difaaca.

Saxaafadda madaxa bannaan ayaan sidoo kale laga ogoleyn dhulka ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab oo ah koox argagixiso ah kuna xiran shabakadda Al-Qaacida.

Dilkan ka kala dhacay degmooyinka Bu’aale iyo Kunyo-Barrow ayaa noqonaya kii ugu tiro badnaa ee isku mar ay koxdu ku fuliso dad ay ku eedeysay basaasnimo.

Wuxuu dilkan yimid iyadoo ay bilaabatay bisha Ramadaan oo ah bil barakeysan oo Muslimiintu ay sooman yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News