SO | EN

SO | EN

Al shabaab oo baahisay muwaadiniin Kuuriyada Koonfureed u dhashay oo dalbanaya in Dowladoodi ay badbaadiso

|

Mooyaale (KAAB TV) – Sagaal bilood kadib af-duub loogu geystay magaalada Mooyaale ee gobolka Marsabit ee Kenya labo muwaadin oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa waxay kasoo muuqdeen muuqaal cusub oo muujinaya labadan qof oo nool balse ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkan oo lagu baahiyay baraha Bulshada Isniin, Abriil 28, ayaa waxaa kasoo muuqday samafale David Ian Lee iyo soddohdiis Hiwi Sokk Cheon, kuwaas oo la afduubtay Agoosto 12, 2024, oo ay dabley ka tirsan Al shabaab ka afduubteen gurigooda oo ku yaal tuulada Odda ee u dhow xadka Kenya iyo Itoobiya.

Muqaalkaan oo soconayay 3 Daqiiqo, ayaa waxaa hadlaya Lee oo ka codsanaya dawladda Kuuriyada Koonfureed inay soo farageliso Arintoodi si degdeg ah si loo sii daayo.

“Maalmo badan waxaan la tacaalaynaa cabsi iyo hubanti la’aan nolosha ah, waxaan ku jirnaa xaalad halis ah,Waxaan nahay shaqsiyaad aan waxba galabsan,”  ayuu yiri Lee, oo ay agfadhiday Cheon oo aamusan balse argagax laga dareemayo.

Waxa uu Lee ka codsaday Dowladda Kuuriyada Koonfureed inay ka qeyb qaadato soodeeyntooda si ay iyagoo nabad qaba ugu laabtaan Gurigoodi.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa rumeysan in muuqaalkan oo ay sii daayeen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab uu yahay mid lagu cadaadiyo Dowladda Kuuriyada Koonfureed inay ogolaato wada xaajood.

Afduubkan ayaa dhaliyay baaritaan ay hay’ado badan sameeyeen sanadkii hore, taasoo keentay in xabsiga loo taxaabo 8 tuhmane oo ay ku jiraan lix Itoobiyaan ah, Eedeysanayaasha ayaa weli xabsiga ku jira iyadoo baaritaannada ay socdaan.

Safaarada Kuuriyada Koonfureed ee magaalada Nairobi ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin kadib markii muuqaalkan la baahiyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News