Muqdisho (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa billaabay inay jidgooyooyin dhigay waddooyinka ka baxa Muqdisho yagoo gaadiidka ku sameynaya baaritaan kana qaadaya lacago.
Dadka ku safra jidka u dhexeeya Afgooye illaa Wanla-Weyn iyo Leego ayaa sheegay in illaa afar jidgooyo oo cusub Al-Shabaab ku soo kordhiyeen waddada, iyagoo baaritaan ku sameynaya baabuurta iyo dadka saaran.
Dadka la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wadaan qaadista lacago ay ku soo rogeen xoolaha loo wado suuqyada iyadoo xilligaan Xajka ay xoolo dhaqatada suuqa geynayaan xoolo ay rabaan inay iska iibiyaan.
“Baabuurta iyo dadka saaran ayay baaritaan ku sameynayaan. Qof kasta waa lasoo dejinayaa,” ayuu yiri qof ku safray jidka u dhexeeya Afgooye iyo Wanla-Weyn.
Wadada Jowhar illaa Balcad
Dhanka kale, maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay soo xoojiyay baaritaanada ay ka sameynayaan waddada u dhexeysa Jowhar illaa Balcad.
Dad shacab ah oo ku safray jidka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gaadiidka ka qaadayaan lacag, ayna u jarayaan boono, iyagoo sidoo kale la degaya ciddii ay ka shakiyaan ee baabuurta saaran.
Waxaa xusid mudan in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay Al-Shabaab weeraro ku soo qaadayeen goobaha ciidamada ee ku yaallay duleedyada Muqdisho sida Dhanaane oo dhanka Jasiira ah, Basra oo dhanka duleedka Afgooye ah iyo Balcad oo ay dhowr jeer weeraro ku soo qaadeen.
Soo laabashada Al-Shabaab ee duleedyada Muqdisho ayaa walaac ku abuurtay dadweynaha caadiga ah, waxaana ilo dhanka amniga ay sheegayaan in arrintan ay billaabatay ka dib markii ciidamada Danab ay joojiyeen hawlgalladii ay ku sameyn jireen deegaanada Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii Abriil joojisay raashiinkii iyo shidaalkii ay siin jirtay ciidanka Danab ka dib markii la leexsaday raashiinka iyo shidaalka, taasoo hadda la sheegay inay abuurtay niyad jab weyn, ayna ciidamada ku qasabtay inay hakiyaan hawlgaladooda.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhaqdhaqaayada Al-Shabaab ee duleedyada Muqdisho.