MUDUG (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay deegaano dhaca gobolka Mudug kuwaas oo bilo kahor laga xoreeyay.
Sidoo kale, faahfaahino kala duwan oo kasoo imaanaya deegaannada gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay Al-Shabaab ay dib ugu soo laabteen deegaannada Caad, Camaara ,Bacaadweyn iyo Shabeelow, deeganadaas oo malimihii lasoo dhaafay ay kasoo bexeen ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Dhanka kale, Deegaannadan aya hada Al-Shabaab gacanta kuhayaan ayaa waxaa laga soo warinayaa in dadka tirada yar ee kuharay deeganadaas ay hada lasoo daristay cabsi xoogan ilaa hadana lama oga xaalada dhabta ah ay kusuganyihiin, iyadoona laga cabsi qabo in Al-Shabaab kala kulmaan aargoosi.
Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay magaalooyinka Caad, Camaara ,Bacaadweyn iyo Shabeelow, kadib markii ay dowladda ciidankaas kajaratay lacago ay siin jirtay sidoo kalana, ay uga baxday balan ay kaqaaday dowladda.
Ugudambeyn, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadlin ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo deegaanno qabsashadooda dhiig badan ku daatay kuna baxday qarash aad u badan.