Muqdisho (KAAB ) – Kooxda AS ayaa kordhisay bishan Radamadan weerarada ka dhanka ah dowladda Keliya Bishan kooxda waxay weerartay saldhigyo ay ciidamada dowladda ee kala ah.
Kooxda Al- Shabaab ayaa weeraradan ay fuliyeen waxa ay sheegeen in ay waxyeelo ku gaarsiiyeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Falanqayayaasha amniga ayaa sheegaya in kooxda ay qaaday dhawr weerar oo ku- dhufoo ka dhaqaaq ah kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee ay fuliyeen inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.
Ilaa iyo hadda waxa la hayaa goobahan in ay weerar ay ka gaysteen kooxda Al-Shabaab.
Saldhigga Busley
Saldhigga Sanguni
Saldhigga Xinlabi
SYL hotel, nawaaxiga Madaxtooyadda dalka
Saldhigga Daaru-Nicma.
Dowladda Soomaaliya dhankeeda ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha guud ahaan ka dhashay weeraradan Al-Shabaab ay ka gaysteen meelo badan oo dalka ah.