Xawaadley(KAAB TV) -Wararka aan ka heleyno deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas Maanta ay kula wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in Al-shabaab ay dhowr jiho ka soo galeen deegaanka,waxaana halkaasi isaga baxay Ciidamadii ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay ku sugnaa.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in mararka qaar gudaha deegaanka laga maqlayo rasaas xoogan oo ay ridayaan Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya Al-Shabaab iyo weeraradooda joogtada noqdey oo u muuqdo inay si dardar ah ku socdaan.