Shabeellaha Dhexe (KAAB TV) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegtay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in galabta ay si nabad ah kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf.
La wareegista Al-shabaab ee deegaanka Ceelbaraf ayaa kusoo aadeysa, kadib markii kooxdu ay galinkii hore ee maanta kusoo hungoowday iney dagaal kula wareegto deegaanada kala Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere oo weerar culus ay ku qaaday aroornimadii hore ee saakay.
Dowladda Fedaraalka ayaa guulo waa weyn ka sheegatay dagaalka saakay ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, waxayna sheegtay in dagaaladaasi Al-shabaab looga dilay in ka badan 130 xubnood oo isugu jira horjooghaa ayaal iyo maleeshiyaad.
Deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ahaa deegaanadii laga xureeyay kooxda, waxaana xusid mudan in deegaankaan dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay in aano qabiil loogu dilay lix askari oo ka mid ahaa ciidanka xoogga dalka.
La wareegista Al-shabaab ee deegaankaan Ceelbaraf ayaa noqday saacadahii ugu dambeeyay mid si weyn looga dhex hadal haayo dhanka baraha bulshada.