SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo laga saaray deegaanno ka tirsan Hiiraan

|

Baladweyne (kaab tv)Howlgal uu hoggaaminayey Cali Jeyte hoggaamiyaha guud ee ciidamada Macawiisley ayaa shalay kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib abaabul culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kooxda ay saareen deegaano badan oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan, halkaas oo fariisimo waaweyn ay ku laheyd kooxdu.

“Dhowr cisho ayaan keyntaan ku jirnay oo isku diyaareynay baacsiga cadowga, shalay ilaa maanta ayaan ku jirnay howgalka ugu culus oo dhinacyo kala duwan ay iska kaashadeen, si gaar ah ciidanka Macawiisley oo duruuf adag ku shaqeynaya,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay inay howgalkaan ka soo bilaabeen deegaan lagu magacaabo Miir-qooley, isla markaana ay kooxda uga sareen dhul howd ah oo aad u baaxad weyn.

“Cadowga uma suurtagelin inay iska kaana difaacaan, weli ciidankii ayaa sii baacsanaya, waa daciif Shabaab-ku, ma dagaalamaan ee markii ciidanka ay u jeedi waayaan waxay gowracaan dadka masaakiinta ah ee aan iska celi karin,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu tusaale u soo qaatay labo wiil oo shacab ahaa oo habeen ka hor ay dileen, kadib markii ay jidka u galeen, “War qof kasta oo Soomaali ah haku dhiiradu iska dhicinta cadowgaan,” ayuu yiri.

Cali Jeyte ayaa mar kale ku celiyey digniintii uu u diray shacabka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab, “Hadhow war ayaad sheegi doontaan, war hooy ka fogaada Shabaab, idinka iyo xoolihiina waa idin gubi doonaa, markii ay gacanteenu idin soo gaarto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Howlgalkaan Hiiraan ka bilowday waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka, dowladda federaalka ayaa saakay waaberigii shaacisay in 60 dagaalame Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacda duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News