Mahadaay (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan oo kasoo baxaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.
Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa warbaahinta usheegay in saaka magaalada lagu arkaayay dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, deegaanada gacanta Al-Shabaab dib ugu soo laabtay waxaa kamid ah Cali Fooldheere iyo Ciid-ciidka oo dhaca dhanka Wabiga jiinka, halkaas oo markii laga saaray Kooxda.
Sarakiisha hoggaamineysay ciidanka Macwiisleyda ee kasoo baxay aaga ayaa sheegay in Al-Shabaab lawareegeen deeganadaasi, kadib markii Al-Shabaab kasoo talaabeen dhanka Wabiga.
Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa lasoo warinaayaa in halkaas uu kasocdo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo ayaa halkaasi laga dareemayaa.
Ugudambeyn, ujeedka kooxda ayaa ah inay isku fudiso dhulkaasi, kadibna ay goyso waddada dheer ee isku xirto gobollada Hiiraan iyo Shabeela Dhexe ee maamulka HirShabelle.