SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal ku kala jartay Muqdisho iyo Marka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay maleeshiyaad iyo gaadiid dagaal keentay deegaannada Jilib Marko illaa Gendershe halkaas oo ay billaabeen inay kala jaraan waddada xeebta marta ee isku xirta Marka iyo Muqdisho.

Dadka ku safra waddada oo magacyadooda diiday inaan sheegno ayaa Kaab TV u sheegay in ay arkeen maleeshiyaad badan oo Al-Shabaab oo waddada ku sugan, iyagoo goobta keensaday gaari uu ku rakiban yahay qoriga DhSK ee lidka diyaaradaha.

Inkasta oo dadka rayidka ah ay adeegsadaan waddada xeebta ee xiriirisa Muqdisho illaa iyo caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marko, haddana saraakiisha dowladda ee maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka ayaan marki karin waddadan.

Waxaa jira isbaarooyin Al-Shabaab gaadiidka safarka ku joojiyaan, kuna baaraan, iyagoo lacago lagu sheegay ‘canshuur” halkaas uga qaata gaadiidka safarka.

Inta badan saraakiisha maamulka Shabeellaha Hoose iyo dadka kale ee ka tirsan ciidamada ayaa adeegsan jiray doon sii marta badda oo tagta magaalada Marko, hase ahaatee waxaa hadda la sheegayaa in Al-Shabaab ay deegaanka Jilib Marko oo aad ugu dhow xeebta ay dhigeen gaadiid dagaal oo ay ku jiraan qoriga DSHK kaas oo halis ku ah in doonyaha rayidka ama dadka dowladda u shaqeeya ay safar dhanka badda ugu kala gooshaan Marko iyo Muqdisho.

Kaab TV waxay la xiriirtay ilo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna noo sheegeen inay jiraan cabsi ka soo cusboonaatay dhanka safarka xeebta ee u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Masuuliyiinta aan la hadalnay waxay ka gaabsadeen inay si rasmi ah uga hadlaan sababta wax looga qaban waayay in malleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo degaan deegaannada Jilib Marko iyo Gendershe oo sanado ka hor laga saaray.

Dhanka kale hubka ay Al-Shabaab keensadeen duleedka Muqdisho ee dhanka xeebta wuxuu halis ku yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle, iyadoo diyaaradaha soo degaya ayaa hoos ugu soo dhowaadaan dhanka badda markay ku soo dhowaadaan deegaanka Gendershe iyo Jasiira ee duleedka Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News