SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo qabsatay deegaan ku dhow Maxaas maalmo ka dib qabsashadii Sabiid iyo Caanoole

|

BELEDWEYNE (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah la wareegtay deegaanka Birta Mudan oo qiyaastii 26km u jira magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dad deegaanka oo kasoo qaxay deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in maleeshiyaad aad u hubeysan oo Shabaab, kuna socday lug ay soo galeen Birta Mudan.

Maleeshiyaadka Macawisleyda oo horey ugu sugnaa deegaanka ayaa la sheegay inay isaga bexeen.

Dadka baadiyaha kasoo firxaday oo ka cabsi qaba in kooxda Shabaab ay waxyeello u geysato ayaa soo gaaray Maxaas saaka.

Waxaa jira cabsi laga qabo in Al-Shabaab oo ah koox mintidiib ah ay soo weeraraan Maxaas oo ka mid ah degmooyinka tirada yar ee hadda aan ku jirin gacanta kooxda ee ku yaalla gobolka Hiiraan, ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka galabta naga soo gaaray deegaanka ayaa sheegaya in deegaano ku dhow Maxaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray Shabaab iyo ciidamada maleeshiyaadka Macawisleyda.

Weli lama oga khasaaraha.

Degmooyinka kale oo ay qabsadeen

Deegaanka Moqokori ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan oo ay Al-Shabaab qabsadeen bishii hore.

Xubno ka tirsan Macawisleyda beesha Xawaadle oo deegaanadan la qabsaday ku sugnaa ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inaysan wax taageero ah siinin Macawisleyda, taasina ay keentay in deegaanada hiiraan si fudud ay kooxdu ku qabsadaan.

Dowladda Federaalka kama hadlin weeraradan isdaba joogga ee Shabaab ku qabsanayaan deegaanada kala duwan.

Sabiid iyo Caanoole

Al-Shabaab waxay Axaddii la wareegeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo 7km u jirta Magaalada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose.

Waa qiyaastii 35km duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamada Uganda oo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa isaga guuraay deegaanada Sabiid iyo Caanoole ka hor intay Al-Shabaab la wareegin.

Shabaab ayaa Axaddii qabsaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo 35km kaliya u jira Muqdisho.
Shabaab ayaa Axaddii qabsaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo 35km kaliya u jira Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in Shabaabka ay galeen xaruntada degmada, saldhigga booliska Sabiid iyo Caanoole iyo suuq halkaasi laga dhisay oo ay maalgalisay hay’adda USAID ee dalka Mareykanka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsaday ka hadlay Shabaab oo qabsaday deegaan caasimadda u jira 35km kaliya.

Al-Shabaab ayaa dhanka kale isku fidiyay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar, oo ah caasimadda Hirshabeelle.

Waxayna ku soo aadeysaa xilli saraakiil ammaan oo Muqdisho ku sugan ay ka digayaan halista weeraro argagixiso oo ay kooxda Shabaab ka geysato Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News