SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo qabsatay deegaanka Tardo gobolka Hiiraan

|

BELEDWEYNE (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka qabsatay deegaanka Tardo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada Macawiisleyda ee halkaas joogaay.

Guddoomiyaha Tardo gobolka Hiiraan, Cismaan Xuseen Guure ayaa warbaahinta u sheegay in hadda deegaanka Tardo uu gacanta u galay kooxda Al-Shabaab.

“Anaga hadda magaalada waan ka baxnay, waxaana joognaa meel aan magaalada ka dheeren,” ayuu yiri Cismaan Xuseen Guure.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ugu baxeen xeelad dagaal ayna xaalada si un noqon doonto.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahannadeeda oo ku sugan gudaha degmada Tardo, iyadoo calankooda madowna laga taagay dhismayaal muhiim ah oo ku yaalla Tardo.

Tardo gobolka Hiiraan waxay bilihii u dambeeyay ahayd xarun muhiim ah oo sahay iyo adeegyo ciidan ah u ahayd maleeshiyaadka beelaha iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo door muhiim ah ka ciyaartay difaaca magaalooyin ku dhow dhow oo ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waa deegaankii labaad ee gobolka Hiiraan oo muddo labo usbuuc ah ay qabsadaan kooxda Al-Shabaab.

Weeraro sii kordhaya

Toddobaad ka hor waxay Al-Shabaab qabsadeen deegaanka Moqokori oo ka mid ahaa deegaanadii ay horey ciidamada Macawiisleyda Hiiraan ka saareen Shabaab.

Weerar culus oo qaraxyo ku bilawday oo ay kooxda Shabaab ku qaadeen Moqokori ayay ugu dambeyn ku la wareegeen magaaladan muhiimka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan midkoodna si rasmi ah ugama hadlin gacanta ay Al-Shabaab ku dhigtay degmada Tardo.

Arrintani waxay kusoo beegmaysaa xilli ay sii kordhayaan abaabulka ay sameynayaan mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradka beelaha si ay u difaacaan magaalada Mahas oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Hiiraan, isla markaana aan gacanta Al-Shabaab soo gelin muddo ka badan toban sano.

Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaay xoogga saareen gobolka hiiraan taas oo walaac xoog leh ku abuurtay dadka kunool deegaanadaas.

Khataraha amni ee gobolka Hiiraan ayaa weli aad u sarreeya, iyadoo Al-Shabaab ay sii wadaan weerarro ka dhan ah magaalooyin istiraatiiji ah, xarumo dowladeed, iyo goobaha ay dadweynuhu ku kulmaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News