MUQDISHO (Kaab TV) – Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa qabsaday deegaanka Nuur Dugle oo ahayd markii u danbeeyay ee ay mari jireen gaadiidka safarka ee isku xira Muqdisho iyo gobollada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaal ay kooxda ku soo qaaday deegaanka Nuur Dugle maalinkii shalay ee Khamiista ayaa la xaqiijiyay in ay kula wareegeen Nuur Dugle.
Deegaanka Nuur Dugle ayaa ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana deegaanka uu Muqdisho u jiraa 267km dhanka waqooyi.
Saraakiisha dowladda ayaan ka hadlin weerarka Al-Shabaab ku qabsadeen Nuur Dugle. Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku dileen illaa 18 askari oo isugu jira kuwa dowladda iyo ciidamada qabiilka ee Macawisleyda oo bari-taari jiray kuwa dowladda.
Al-Shabaab waxay soo bandhigeen sawirro muujinaya mootooyinka labada lugood leh oo ay ku qabsadeen bar kontorool oo ku taalla Nuur Dugle halkaas oo ay hadda kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacida ku xiran ay qabsadeen.
MUHIMADDA NUUR DUGLE
Nuur Dugle waxaa sii marta waddada dhanka xeebta uga baxda Muqdisho, taasoo ay adeegsadaan gaadiidka xamuulka iyo kuwa rakaabka qaada ee u kala goosha Muqdisho illaa iyo gobollada bartamaha Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Macawisleyda iyo ciidanka dowladda ayaa deegaankan kala wareegay Al-Shabaab bishii Nofembar 2022 markaas oo uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Tan iyo markaas wixii ka danbeeyay, waxaa Nuur Dugle gacanta ku haayay ciidamada dowladda iyo kuwa qabaa’ilka oo dhigtay isbaaro ay lacagta ka qaadan jireen gaadiidka safarka.
Qabsashada Al-Shabaab ee Nuur Dugle waa dhabarjab kale oo soo wajahay dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa kooxda Al-Shabaab oo bilahan dambe isku soo ballaarinaayay dhanka Muqdisho.

Al-Shabaab waxay hadda maamulaan dhammaanba jidadka magaalada caasimadda ku xira gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan waddooyinka hareeraha magaalada Muqdisho.
Nuur Dugle waxay kaloo maleeshiyaadka Al-Shabaab siineysaa fursad ay ku kordhiyaan weeraradooda argagixiso, maadaama waddo muhiim ah marto, halka ay hadda kooxda kala goysay isu socodka Muqdisho iyo deegaanada Galmudug.
Al-Shabaab waxay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka xamuulka iyo kuwa rakaabka ee mara dhulka ay kooxdu maamusho, waxaana qabsashada Nuur Dugle ay siineysaa fursad kale oo ay lacago kaga urursadaan gaadiidka safarka ee ka imaanaya ama ku jeeda Muqdisho.

