Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii 2 August 2026 la wareegtay deegaanka Teedaan ee bariga gobolka Hiiraan ka dib dagaal socday labo maalmood kaas oo ugu dambeyn sababay in ciidankii dowladda iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ay isaga baxaan deegaanka.
Dagaalka wuxuu dhexmaray ciidanka Gorgor ee Turkida tababareen iyo maleeshiyaad la socday oo kuwa deegaanka ah kuwaas oo la dagaalamay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil la hadlay Kaab TV.
Sabtidii waxay Al-Shabaab soo weerareen deegaanka, iyagoo la wareegay tuulooyin duleedka magaalada ku yaalla, taasoo sababtay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka la socday ay dib u gurtaann una baxeen dhanka Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
“Saaka ayay markale weerar iyo qaraxyo soo qaadeen, waxaana dagaal saacado socday ka dib ay Al-Shabaabka qabsadeen deegaanka Teedaan,” ayuu yiri Maxamuud Siyaad oo sheegay in cabsi ay soo wajahday dadka ku nool Beledweyne maadaama Teedaan ay ku taallo waddo muhiim u ah isku xirka Beledweyne iyo gobollada dhexe.
Qabsashada Teedaan ayaa ka dhigan in Al-Shabaab ay u soo dhowaadeen magaalada Beledweyne, iyo inay halis gelin karaan waddada muhiimka ee xiriirisa Beledweyne iyo gobollada dhexe.
“Kadib markii Teedaan ey qabsadeen khawaarijta, cabsida ugu badan waxey saaran tahay jidka dheer ee laamiga ah aaga Bacda ee taga Guriceel ee sii mara Matabaan. Sababtane waa lacagaha canshuurta ee laga qaado gawaarida Boosaaso aado ayey rabaan khawarij sidii waagii hore ey u qaadan jireen iney u qaataan,” ayuu yiri Khadar Maraay oo ku sugan Hiiraan.
Wuxuu walaac ka muujiyay in Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle aysan wax tallaab ah qaadin iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab kordhiyeen duulaankooda gobolka Hiiraan.
Teedaan waxay qiyaastii Beledweyne u jirtaa 75km, halka ay magaalada Muqdisho u jirto illaa 315km.
Teedaan waxay qiyaastii Beledweyne u jirtaa 75km, halka ay magaalada Muqdisho u jirto illaa 315km.
Dadka Beledweyne ayaa is weydiinaya halka ay hadda kooxda Al-Shabaab u jiheysan karto mar haddii ay qabsadeen Teedaan taas oo ka dhigay in badi dhulkii ay Al-Shabaab haysatay sannadkii 2021 uu hadda gacantooda ku soo noqday.
Guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan oo sannadkii 2022 iyo 2023 laga saaray kooxda ayay haatan wada haysataa marka lagu daro qabsashada Teedaan ee Axaddii.
Khasaaraha
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac.
Al-Shabaab waxay war saxaafadeed ku sheegatay inay dileen 40 askari, ayna dhaaweceen 61.
Si madax-bannaan looma xaqiijin sheegashada kooxda.
Ilo deegaanka ayaa sheegay in uu jiray baabuur nooca qorigu saaran yahay oo Toyota 4WD ah ay qabsadeen kooxda.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaan illaa hadda ka hadlin qabsashada Teedaan iyo walaaca dadka deegaanka ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.
Maxay ka dhigan yihiin dhaqaaqyada cusub ee Al-Shabaab?
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa ku mashquulsanayd gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo ay deegaano kala duwan dib u qabsadeen.
Ciidanka dowladda oo tan iyo 2023 ku sugnaa deegaanada Aadan Yabaal, Masaajid Cali Gaduud illaa Xawaadley ayaa mid kasta kasoo baxay iyagoo aan la dagaallamin maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Hadda waxay u muuqataa in Al-Shabaab ay dhanka Hiiraan u jiheysteen.
Sida uu sheegayo Bile Cali ka dib sannad ay kooxdu ka mashquushay Hiiraan, hadda waxay dadka gobolka Hiiraan wajahayaan xaalad welwel leh oo la xiriirta amnigooda.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaan dhankooda nasiinin wax jawaab ah oo la xiriirta cabsida dadka deegaanka soo wajahday iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadaan gobolka.
Weeraradan kooxda ay waddo ayaa imaanaya iyadoo ay hoos u dhacday taageeradii caalamku siin jiray Soomaaliya, iyo dhaqaalihii ay heli jireen ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM, haatana ay jirto xaalad sugaansho la’aan dhanka saadka iyo sahayda ciidamada ah.