Ceelgaras (KAAB TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud qarax ku bur buriyeen ceel biyoodkii kuyaallay deegaankaasi, oo dhawwaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay gaareen.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in kooxda Al Shabaab qarax ku bur buriyeen ceelkii kuyaallay deegaanka Ceelgaras, waxa ayna sheegeen in qaraxa uu ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah.
Dhanka kale, Al Shabaab ayaa sidoo kale dowladda ku eedeesay in qaraxyo ku bur buriyeen xarumo kale oo muhiim ah oo kuyaallay deegaanka Ceelgaras oo kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa labo maalin kahor Al Shabaab ka saaray deegaanka Ceelgaras oo muhiim u ahaa Al Shabaab, wararka qaar ayaana sheegaya in ciidamada deegaankaasi dib uga soo baxeen.