SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii weeraray xarunta G/Banaadir

|

Muqdisho (KaabTV)– Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kadibna ay xigtay dagaal ay gudaha ku galeen maleeshiyadaas.

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa wuxuu ku sheegay in xarunta u beegsadeen si ay u gumaadan madaxda muhiim ah ee halkaasi ku sugan.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xoogan, uusan wax ka badali doonin beegsiga madaxda iyo masuuliyiinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News