SO | EN

SO | EN

Al Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u bur buriyeen Masaajidkii weynaa ee Daaru Nicma

|

Mudisho (KAAB) – Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo dhawwaan weerar ku qaaday deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayaa qarax ku bur buriyay masaajid weyn oo kuyaalay deegaankaasi.

Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, Sheekh Yuusuf Ciise Kabakutukade ayaa shaaciyay in iyagu masuul ka ahaayeen bur burinta loo geestay masjidka deegaanka Daarunimca.

Kabakutukade ayaa sheegay in masjidka ay bur buriyeen uu ahaa saldhig ay lahaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, waxa uuna xusay in gudaha masjidka laga soo abaabuli jiray weerarada iyaga ka dhanka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhaxe in gudaha masjidka ciidanka dowladda ku dhax isticmaali jireen maan-dooriye iyo waxyaabo kale oon wannaagsaneyn sida uu tilmaamay.

Masjidka Daarunimca ee Al Shabaab bur buriyeen ayaa ahaa masjid weyn oo loo dhisay si qurux badan, waxaana masaajidkan deegaankaasi laga dhisay xilligii ay Al Shabaab halkaasi ka talin jireen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News