Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Al-Shabaab oo shaacisay xogta nin ajnabi ahaa oo isku qarxiyay…

|

Kismaayo (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii xooganaa ee todobadii bishan March lagu qaaday xero ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca nin ajnabi ah oo fuliyay qaraxii koowaad ee ismiidaaminta ee lagu bilaabay weerarkaas oo dhacay subax aroor hore ah, kaas oo sababay khasaare lixaadleh oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray.

Magaca ninkan ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Dnayizeye Isxaaq Khaalid, kaas oo loo yaqaanay Showkaani, sida uu ku sheegay muuqaal dardaaran ah oo laga duubay kahor weerarkaasi.

Ninkan oo waday gaari xamuul ah oo qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa wareysiga laga sii duubay oo ay haatan sii baahisay kooxda ku sheegay inuu u dhashay dalka Burundi oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhalasho ahaan uu kasoo jeedo Qowmiyadda Huutiga ee degtay dalka Burundi, isaga oo sheegay inuu muddo dheer joogay Soomaaliya.

Weerkii Janaay Cabdalle oo kamid noqday weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa sidoo kale waxay kooxda Al-Shabaab ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal oo tiro badan.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News