Beledweyne (Kaab TV) – Faahfaahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya magaalada Beledweyne in Kooxda Al-Shabaab ey shalay kageysteen afduub inta udhaxeysa deegaanka Farlibaax iyo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay waddada ugaleen gaari ay wateen shaqaalaha caafimaadka ee Hey’adda Wardi kadibna ey horey u wateen dadkan la afduubtay ayaa tiradooda lagu sheegay lix qof.
Sidoo kale wararka ayaa intaas kudarayo, in lixda qofood ee la afduubtay ay ka imaadeen Deegaanka Farlibaax halkaas oo ay geeyen adeegyo caafimaad, waxaana la afduubtay kadib markii ay kasoo gadoomeen deegaanka farlibaax oo ay Al-Shabaab waddada ugaleen.
Dhanka kale lama xaqiijin karo halka ay uwateen shaqaalaha ay afduubteen Al-Shabaab sidoo kale lama sheegi karo waxa ay hadda kusuganyihiin.
Waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howl-galo ka bilaaawen magaalada Beledweyne, howl-galkaas oo lagu raadinayo dadkii ay afduubteen Al-Shabaab.
Hasayeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay howl-galo ay dadka ku afduubanayaan kawaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyadoo inta badan laga saaray deegaanada dhaca gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa inta badan soo laa laabta afduubyada ay kooxda Al-Shabaab ka geysanayaan Beledweyne kuwaas oo ay ku bartilmaameed sadaan shaqaalaha Hey’addaha ka shaqeeyo magaalada Beledweyne.
Dhanka kale majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda Federaalka oo ku aadan afduubka shaqaalahaas loo geystay.