Lamu (Kaab TV) – Dagaalyahanno hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho dhaliyay ka fuliyay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan degmada Lamu oo dhaca Koonfur Bari Kenya.
War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka fuliyeen deegaanka Juhudi oo katirsan Lamu ku dileen shan qof oo Kenyan ah, kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in ay ahaayeen gaalo.
Booliiska dalka Kenya war kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay in Al Shabaab shan qof dileen, kuwaa ay sheegeen in qaarkood gowraceen , waxa ayna weerarkan booliiska dalka Kenya ku sifeeyeen weerar argagaxiso, iyagoona tilmaamay in ay wadaan howlgalo.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Hassan Abdalla ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay “Haweenka guryahooda ayaa lagu xiray, raggana waxaa la amray inay soo baxaan, halkaasi oo gacmaha laga xiray kadibna la gowracay.”
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa arday dhigta dugsiga sare, sida uu sheegay Hassan, oo intaas ku daray in “dhammaan dadka la dilay cunaha laga jaray, qaarkoodna la gowracay.”
Ismaaciil Xasan oo isna dadka deegaanka ka mid ah ayaa sheegay in mintidiinta ay xadeen sahay cunto kahor inta aysan bixin ayaga oo rasaas kor u ridaya.
Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geesta gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana weeraradan ka dhasha khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaac.