MUQDISHO (Kaab TV) – Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee Khamiista weerarro isku dubaridan ku qaaday shan degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo qabsaday hub isla markaana dilay tobanaan qof, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Dagaalyahanno aad u hubeysan ayaa weeraray degmooyinka Ceel Baraf, Al-Kowthar, Ceel Cali Axmed, Daaru Nicma, iyo Cali Fooldheere, halkaas oo ay dagaallo culus kula galeen maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo ciidamada dowladda.
Dagaalka oo bilaabmay xilli hore ayaa socday illaa barqadii, ka hor inta aysan dib u guranin maleeshiyada beesha Ma’awisley ee Abgaal oo garab siiya dowladda.
Markii maleeshiyadu dib u guratay, shacabka deegaanka ayaa cabsi darteed ka qaxay guryahooda.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradan, iyaga oo ku andacoonaya in ay dileen 93 qof.
Dagaalyahannada kooxda ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen toddobo gaari oo ciidan, oo ay ku jiraan kuwa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka heshay Masar.
Goobjoogeyaal ku sugan Ceel Baraf ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay waddooyinka dhex marayeen iyaga oo dadweynaha su’aalo ka weydiinayay halka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.
Sawirro ay baahiyeen ayaa muujinaya dagaalyahanno xiran kabo fyran xuran oo si xor ah ugu dhex wareegaya magaalada, taasoo labo sano ka hor ay dowladda dib uga xoreysay kooxda.
Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabelle oo fadhigoodu yahay Jowhar ayaa weerarkan ku tilmaamay “duullaan argagixiso oo ballaaran.”
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mar dambe soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka deegaanka ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay dileen in ka badan 130 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka gaabsatay in ay faallo ka bixiso sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta hubka iyo gaadiidka ay qabsadeen.
Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay xoojisay dhaq-dhaqaaqeeda militari ee waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho, oo ah caasimadda Hirshabelle una jirta Muqdisho 90km.
Dadka safarka ah ayaa sheegay in dagaalyahannada kooxda ay hareereeyeen waddada ugu weyn, taasoo khasabtay in gawaarida dadweynaha iyo basaska ay u wareegaan waddooyin ay maamulaan Al-Shabaab, halkaas oo lagala kulmo xadgudubyo dhaqaale iyo baad xoog ah. Saraakiisha dowladda ayaa badi isticmaala duulimaadyada cirka, taasoo ah hab kaliya oo ay ammaan u helaan, balse aad u adag in ay dadweynuhu isticmaalaan.