SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo sheegay inay hawlgal ka fuliyeen degmada Dayniile ee Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay muuqaal ay ku sheegeyso hawlgal ay ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho toddobaadkan.

Muuqaalka oo socday in wax yar ka badan labo daqiiqo ayaa muujinaya dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar jidgal ah ku qaaday ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub, ayna ku dileen askar ka tirsan kuwa Dowladda.

Dhanka kale, maalintii shalay ee Isniinta waxay Al-Shabaab qarax ka fulisay degmada Dayniile.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay hal askari oo ciidanka booliska ka tirsan.

Waxaa ku dhaawacmay illaa 6 kale.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaan illaa hadda ka hadlin weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadkii hore laga saaray degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay dhowaan dib u qabsadeen.

Hawlgal wadajir ah oo ay qaadeen ciidamada Uganda ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika, iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal adag oo ka dhacay Bariire kula wareegay maamulka deegaanka.

Dhanka kale, waxay Al-Shabaab beryahaan xoogga soo saareen deegaanada ku teedsan Muqdisho gaar ahaan deegaanada ku dhow Afgooye iyo Balcad.

Bishii hore waxay Al-Shabaab la wareegtay deegaanada Sabiid iyo Caanol oo Muqdisho u jira wax ka yar 35km.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News