SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo sheegtay magacyada Raggii weeraray Buulo Mareer

|

Muqdisho (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay magacyada Ragii weeraray xerada ciidanka Uganda ee ATMIS ey kuleeyihiin degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ciidanka Uganda looga laayay askar badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisaya muuqaal ay kujireen Raggii weerarka fuliyay kuwaas oo shan kamid ah ey is qarxiyeen, kahor weerarka iyo qaraxyada waxaa khuqbad ujeediyay kooxda, Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda, sida muuqaalka lagu arkayay.

Dhanka kale, Ragga is qarxiyay oo ahaa shan qofood oo mid kood uu yahay ajanabi u dhashay dalka Kenya weerarkan oo lagu beegsaday xerada ciidanka Uganda ey kuleeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ragga isku qarxiyay xerada oo la sheegay in dhamaantoodba ey wateen gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, Raggan ayaa magacyadooda lagu sheegay, Muxumed Nuur Xuseen Muusaa, Nuur Guhaad Bakar Muniir, Jacfar Xasan Saciid Abuu Faatima, oo ah Ajnabiga kaliya ee kamid ah is-miidaamiyeyaasha weerarkii Buulo Mareer, Axmed Macallin Cabdi Diini iyo Muudey Macallin Xuseen Qac-qacaa.

Weerarka lagu qaadaya saldhiga ciidanka Uganda ey leeyihiin degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayey Al-Shabaab shaacisay in ey ku dishay 137 qof oo katirsan ciidanka Uganda, maalmo un kadib madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ciidamadooda looga dilay 54 askari oo u dhashay dalka Ugand.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News