SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo sii daayay shan oday dhaqameed oo bishii Febraayo ay ka afdubteen magaalada Ceelwaaq

|

Ceelwaaq (KAAB TV) – Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay sii deysay ugu yaraan shan odey dhaqameed oo bishii April laga afduubtay degmada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera, kuwaas oo lagu haystay Soomaaliya.

Odayaashaan ayaa la waayay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari ay la socdeen xilli ay ku sii jeedeen magaalada Ceelwaaq. Weerarka lagu afduubtay ayaa ka dhacay inta u dhow deegaanka Bamba Owla iyo Ires Suki.

Odayaasha ayaa doonayay inay la kulmaan madaxweynaha Kenya William Ruto uu xilligaas safar ku tagayay gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Taliyaha Booliska Koonfurta Mandheera, Julius Njeru, ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka laga qaaday deegaanka Wargaduud ayna ku sii jeedeen Ceelwaaq xilliga la weerarayay.

Lama oga sababta ay Alshabaab u siidaayeen odayaashaan, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in arrintan ay ku timid dadaalo ay sameeyeen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo ku guulaystay in dib xorriyadooda loogu soo celiyo odayaashaan.

Warbaahinta Kenya ayaa horey u qortay in ururka Al Shabaab ay dalbadeeen lacag madax furasho ah oo dhan 7 milyan oo shilinka Kenya ah, si ay usii daayaan odayaasha ay afduubteen, lamase oga in hadda lacagtaas ay qaateen

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News