MUQDISHO (KAAB TV) – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay meydadka askar Itoobiyaan ah oo ay ku dileen weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo saldhigga ciidamada Itoobiya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar jid-gal ah ay ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah ay ku dileen 8 askari , waxa ay sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in weerarkaasi kusoo furteen hub ay wateen ciidamada ay dileen qaarkood.
Sawiradda iyo muuqaalka Al-Shabaab kusoo bandhigeen barahooda Internetka ayaa laga arkayay iyaga oo dilaya ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen sida uu weerarkaasi u dhacay.
Muuqaalkan ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka dowladda Soomaaliya dhankooda sheegeen in shalay degmada Waajid ku dileen 25 dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab eyna ku jiraan ajaaniib.