SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo toogasho ku dishay shan ruux oo ay ku sheegtay basaasiin

|

Kismaayo (Kaab TV)– Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe kuwaasi oo lagu eedeyay basaasnimo Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 25 illaa 41 sano ayaa waxay kooxda shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantood ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee CIA-da Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu masuul ka ahaa dilka Maxamed Dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka kooxda Al Shabaab Dulyadeyn ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda iyo Maraykanka waxa la dilay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii.

  1. Cabdicasiis Aadan Maxamed oo 41 sano jir ah – wuxuu ushaqaynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
  2. Cumar Cabdi Aadan Dhagaweyne oo 27 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DFS-ka iyo CIA-da Mareykanka.
  3. Madeey Idbow Madow oo 25 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DF-ka iyo Mareykanka.
  4. Mustaf Isxaaq Xasan oo 26 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
  5. Xuseen Cumar Yuusuf oo 35 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka. Hasayeeshee Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka iyo Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News