Baardheere (Kaab TV) – Qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah ayaa barqanimadii maanta lagu weeraray xero ciidan oo kutaalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana xerada la weeraray ku sugnaa ciidamo isugu jira ATMIS iyo Soomaali.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyada labo qarax oo xooggan oo lagu weeraray xerada ciidamada ADC , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyadan la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan oo ku sugnaa xerada ADC.
Al Shabaab warka kasoo baxay ayey ku sheegeen in qaraxa koobaad oo ismiidaamin ahaa ku beegsadeen xerada ADC gaar ahaan goob ay joogeen saraakiil Itoobiyaan ah, waxa ay sidoo kale sheegeen in qaraxa labaad la beegsadeen ciidamo soo gurmaday.
Waxa ay sheegeen Al Shabaab in weerarkan qaraxyada ah khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale sheegeen in weerarka lagu bur buriyay gaadiid dagaalka.