SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya

|

Kenya (Kaab TV)– Warar dheeraad ah oo ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaas, gaar ahaan dhinaca magaalada Mandera.

Sarkaal sare oo u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka, isla markaana uu ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo halkaas ku sugnaa, waxaana xigay dagaal toos ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay inay khasaare xoogleh ku gaarsiisay ciidanka dowladda Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyadoo ay dhawaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo la qorsheynayo in dib loo furo.

Weerarkan ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 1 askari uu ka dhintay, laba kalena ay dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Ciidanka la weeraray ayaa waday howlgal roondo ah, waxayna si gaadmo ah ula kulmeen xubnaha Al-Shabaab oo uu iska hor imaadka ku dhex-maray halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News