SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar dhowr jiho ah kuqaaday xalay xarunta degmada Kaxda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dagaalyahanno  katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus oo dhowr jiho ah kusoo qaaday xarumo iyo fariisimo ciidan oo kuyaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo xalay saqdii dhaxe dhacay ayaa kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Kaxda ,gaar ahaan saldhigga booliiska, xarunta degmada iyo labo fariisin ay joogaan ciidanka xasilinta.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaana weerarkan ku bilowday qorayga loo yaqaan baasuukaha , waxa ayna kaddib hubka nuucyadiisa kala duwan ku fureen goobaha ay weerareen, waxa ayna iska caabin kala kulmeen ciidankii joogay goobaha ay weerareen.

Dhanka kale, gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ku dhufteen saldhigga booliiska degmada Kaxda, waxeyna xalay Kaxda u aheyd habeen adag oo saacado badan lagu dagaalamayay.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday weerarkii xoogganaa ey Al-Shabaab xalay kusoo qaadeen degmada Kaxda, waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay tiro kale oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Dagaalkan ayaa intii uu socday waxa aad looga maqlaayay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, sidoo kale laamaha ammaanka ayaa xaqiiyay in ey goobta isaga baxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyadana war kasoo saartay weerarkii xalay kadhacay degmada Kaxda, iyadoo shaacisay in ey askar fara badan kudileen weerarka sidoo kale eyna qaateen hub iyo gaadiid ciidan sida ey hadalka udhigeen.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ka geysatay weerar noocaan oo kale ah kaasoo dhaliyay qasaaro fara badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan xalay ey Al-Shabaab ka geesteen magaalada Muqdishgo ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee muddooyinkan ka dhaca caasimadda, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ciidamada dowladda wadaan howlgalo Al-Shabaab uga xoreenayaan guud ahaan Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News