SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Masagawaa

|

Dhuusamareeb (Kaab TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray iyo xoogagii weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo ka baxsan deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada la weeraray, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada deganaa saldhiggaasi.

Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay fashiliyeen dagaalka ay soo qaaday kooxda oo ku bilowday qarax culus.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News