SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Xafiiska Duqa Muqdisho

|

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya illaa saddex qarax oo goordhow lagu weeraray xarunta maamulka maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho .

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu dhuftay dhabarka dambe ee xafiiska  dowladda hoose ee Xamar, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ay xarunta ku galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Labo qarax ayaa sidoo kale laga maqlay inta u dhaxeysa xarunta dowladda hoose iyo Muqdisho Mall, halkaas oo ay ka socoto is rasaaseyn xoogan.

Jugta qaraxydan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha Muqdisho, waxaana haatan socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo la dagaalamaya ragga weerarla ku galay xarunta gobolka Banaadir.Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada.

Dhinaca kale , Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka ka dhex socda xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho. Weerarka ayaa ku billaawday qarax weyn oo uu fuliyay qof isqarxiyay.

Kooxda Alshabab ayaa sidoo kale sheegtay in xubno ka tirsan ay gudaha u galeen xarunta Islamarkaana ay hadda ka dagaalamayaan.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarkan oo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay .

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News