Gedo (KAAB TV) –Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay waaberigii hore ee saakay weerar gaadmo ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla gudaha degmadaas.
Xerada la weeraray ayaa waxaa si wadajir ah ugu sugnaa ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay halkaasi, iyadoo la xaqiijiyay in uu jiro khasaare labada dhinac kala gaaray – Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda. Si kastaba ha ahaatee, maadaama uu weerarku dhacay xilli hore, weli lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda goobtii dagaalku ka dhacay ayaa hadda degan, waxaana la sheegay in dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ay dib uga gurteen.
Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay ciidamadii dowladda iyo kuwa deegaanka ka baxeen.
Qabsashada Aadan Yabaal ayaa kor u qaaday walaaca amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay sii ballaariyaan dhaq-dhaqaaqyadooda gobolkaas iyo guud ahaan dalka.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda amniga ayaa la filayaa inay kordhiyaan dhaq-dhaqaaqyada militari si dib loogu soo celiyo gacan-ku-haynta deegaannadaasi.