JOWHAR (KAAB TV) – Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa lagu soo waramayaa in saakay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaanka Nuur-dugle.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas kudaraya in Al Shabaab weerarka u adeegsadeen baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib weerar toos ah ciidanka kusoo qaaday rag hubeysan oo xeryaha dhowr jiho kasoo galay.
Dhanka kale, dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa hadda ka socda deegaanka Nuur-dugle, waxaana mararka qaar la maqlayaa qaraxyo xooggan ay Al Shabaab geesanayaan.
Waxaa adag in si dhab ah loo ogaado xaalada deegaanka Nuur-dugle iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaankaas, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in deegaanka ku baxeen ciidamo gurmad ah.
Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah