Camaara (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo kubilowday qaraxyo oo ay saakey Al-Shabaab kuqaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.
Sidoo kale, War kasoo baxay dowladda oo looga hadlay weerarkan ayey dowladdu ku sheegtay in ciidamadu kahortageen weerarkaasi eyna fashiliyeen.
Dhanka kale, Qaar kamid ah dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ey kadhasheen dhaawac iyo dhimasho farabadan balse lama oga inta ey la’egtahay khasaaraha baaxada leh.
Dowladda ayaa intaasi waxa ey kudartay iney ka warqabeen weerarkaasi islamarkaana ay khasaare culus kugaarsiiyeen xubnaha weerraka soo qaaday.
Xaalada goobta uu dagaalka kadhacay ayaa haatan ah mid kacsan waxaana wali dhaq-dhaqaaqyo xooggan lagama dareemayaa goobta uu dagaalka kadhacay oo ah magaalada Caad ee koonfurta gobolka mudug.
Ugudambeyn, guud ahaan gobolada dhexe waxaa wali kasocda howlgalo dalka loogu xureynaayo Al-Shabaab, iyadoo tan iyo markii uu bilowday dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab looga qabsaday goobo badan oo muhiim u ah gacan kuheyntooda.

