Galgaduud (KAAB TV) – Dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhawaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa Warbaahinta u sheegay in wax khasaare ah aysan kadhalan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaanka Ceel-Lahelay.
Dhanka kale, Al-Shabaab, oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas sidoo kale, Al-Shabaab kama bixin wax faah-faahin intaas dheer Saraakiisha ciidamada dowladda ayaan weli ka hadlin weerarka ay sheegteen Al-Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib kormeer ay shalay isaga iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ku tageen deegaanada Ceel-Lahelay iyo Ceelgaras.
Qoor Qoor ayaa waxaa safarka Ceelgaras, oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Salaad.