MUQDISHO (KAAB TV) – Dagaalyahanno hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus oo dhaliyay khasaaro kala duwan ku qaaday fariisin ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa booliisa milataari ku lahaayeen xaafada Cali Turcaaye ee degma da Yaqshiid.
Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday fariisin ciidanka booliis milatariga ku lahaayeen xaafada Cali Turcaaye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado dhowr ah socday oo labada dhinac dhax maray.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa labada dhinac kasoo gaaray iska horimaadka, walina lama oga in dagaalka uu ka dhashay khasaaro nafeed oo soo gaaray dadka shacabka ah.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen weerarka ay ka fuliyeen Muqdisho ku dileen lix askari oo katirsan ciidamada xasilinta caasimadda, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay wateen askari ay nolol ku qabteen.
Laamaha ammaanka gobolka Banaadir ayaan dhankooda faah faahin ka bixin weerarka xalay ka dhacay xaafada Cali Turcaaye, waxaana saakay ciidamada howlgalo ka wadaan aaga dagaalku ka dhacay.
Weerarada gaadmada ah iyo qaraxyada ayaa ku soo badanaya caasimada iyadoo weeraradaasi ay geysanayaan khasaare mararka qaarkood soo gaara dadka rayidka ah.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adeheeda amniga ayaa ku guuleysan la’ xakameynta weerarada Al-Shabaab ee gudaha Muqdisho, xilli uu dhanka kale sii kordhayo tuhunka ku saabsan in qaar ka mid ah weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan xeryaha ciidamada oo uu ugu danbeeyay weerarkii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ay fududeeyaan saraakiisha hay’adda NISA.