Buulo Xaaji (KAAB TV) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland.
Sidoo kale, Dagaalamayaal katirsan Alshabaab ayaa waxa ay wararka sheegayn in ay xalay weerar foodo ah ay ku qaadeen deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.
Dhanka kale, Weerarkan gaadmada ah ee Alshabaab kuqaadeen deegaanka Buulo Xaaji ayaa waxa uu socday muddo daqiiqado ah lamana oga khasaaraha ka dhashay, waxaana haatan deegaanka gacanta ku haaya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta usheegay in ay haatan xaalada degantahay ayna wadaan howlgalo ay kubaadi goobayaan xubnihii weerarka soo qaaday oo ka baxsaday goobta.
Deegaanka Buulo Xaaji ayaa markii laga saaray gacant Alshabaab gaaray mas’uuliyiin katirsan Jubbaland iyo saraakiil ciidan si ay udhiiri galiyaan ciidanka kusugan halkaasi.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kamid aha mas’uuliyiintii hampalyada udiray ciidanka, isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay qabashada deegaanka Buulo Xaaji.
Sikastaba, Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana haatan ku wajahan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.

